USA: Xildhibaannad Soomaali Ah Oo Ninkeeda Dacwad Ka Gudbisay

USA (HCTV) – Xildhibaan Ilhaan Cumar oo Congress-ka Maraykanka ku metasha Minnesota ayaa dacwad furitaan ah ka gudbisay saygeeda Axmed Xirsi.

 Ihaan Cumar ayaa maxkamad ku taalla Minnesota u gudbisay dacwaddaasi maalintii Jimcaha ee la soo dhaafay.

Ilhaan iyo Axmed ayaa waxay is-guursadeen sanadkii 2000 waxayna kala tageen sanadkii 2008, waxayna dib isugu laabteen sanadkii 2018-kii.

“Xidhiidhkeena guur waxa uu u burburay si aan ka soo kabasho la hayn,” sidaasi waxaa lagu sheegay dacwadda ay maxkamadda Minnesota u gudbisay Ilhaan.

Waxay Ilhaan sheegtay inay raadinayso sharci ilaalinaya carruurta waxayna maxkamadda weydiisatay inay u ogolaato goob sharciga waafaqsan oo si wada jir ah loogu hayo saddexda carruur ah ee ay isu dhaleen.

Khilaafka u dhexeeya lamaanahan ayaa waxaa dhawaan si muuqata uga hadashay warbaahinta Maraykanka.

Ilhaan ayaa noqotay gabadhii ugu horreysay ee Muslim Xijaab xiran ee loo doorto Congress-ka Maraykanka.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka

Xigasho: BBC