Kenya Oo Mastafurinaysa Nin Haweenay ku Tilmaamay ‘Daanyeer’

Nairobi (HCTV) – Nin Caddaan ah oo ka shaqaynayey Dalka Kenya ayaa la Mastaafurinayaa, ka dib markii uu Aflagaadeeyay Waardiye, cunsuriyadna kula kacay haweenay.

Ninka laga saarayo Dalka Kenya oo aan Magaciisa iyo Dalka uu u dhashay midna la sheegin ayaa laga joojiyey Qandaraaskii uu kaga shaqaynayey Kenya.

Ninkan oo u shaqaynayey Hay’adda Laanqayrta Cas (ICRC) ayaa la soo weriyey in Gabadh ka shaqaysa Lavington Mall ee Magaalada Nairobi oo isku dayday inay dejiso isagoo cadhaysan uu aflagaadeeyay isla-markaana ku tilmaamay ‘Daanyeer’.

Ms Anne Kilimo oo ah Madaxa Isgaadhsiinta ee ICRC ayaa sheegtay in Go’aanka ah in Dalka laga saaro ninka Daanyeerka ku sheegay haweenayda reer Kenya uu soo baxay Habeenkii Axadda, ka dib markii uu soo dhamaaday Baadhitaan arrintaa lagu samaynayey.

“Salaasada Maanta ayuu ka baxayaa Dalka, wixii uu sameeyayna ma ahayn wax fiican..” ayay tidhi, Madaxa Isgaadhsiinta ee ICRC

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka