Soomaaliya Iyo Kenya Oo Khilaaf Dhinaca Hawada Ahi Soo Kala Dhex Galay

Nairobi (HCTV) – Khilaaf dhinaca hawada ah oo soo dhex kala dhex galay Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Kenya.

Dawladda Soomaaliya ayaa Kenya ku eedaysay inay faro-gelisay Maamulka hawadeeda, ka dib markii diyaarad ka soo duushay Magaalada Nairobi ay si toos ah u fadhiisatay Magaalada Kismaayo, inkasta oo ay ahayd inay marka hore soo marto Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, sida Dawladda Federaalka Soomaaliya jidaysay.

Maamulka Hawada ee Soomaaliya (SCAA) ayaa Kenya ka dacweeyay Hay’adda Maamulka Hawada Qaramada Midoobay ee loo yaqaano (ICAO), sida laga soo xigtay Masuul aan la Magacaabin, sida uu Salaasada Maanta qoray Wargeyska Daily Nation oo ka soo baxa Magaalada Nairobi.

Sabtidii, Kenya waxay diwaangelisay diyaaradda Fokker 50, 5Y-JXJ oo daad-guraysay Siyaasiyiin isla-markaana fadhiisatay Kismaayo, Magaalo Madaxda Maamul-gobolleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland.

Bishii September, Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa diyaaradaha ku amartay in aanay Kismaayo tagi karin, iyagoon fadhiisin Garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Kenya iyo Soomaaliya ayaa hore waxa uga dhexeeyay Khilaaf dhinaca badda ah.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka