Jarmalka Oo Somalia Ugu Deeqay $73 million Oo Dollar

Muqdisho, (HCTV) – Dalka Jarmalka ayaa ugu deeqday Dawladda Federaalka ee Soomaaliya lacag gaadhaysa 73-Milyan oo Dollar, taas oo qayb ka noqon doonta hawlaha gargaarka calaamiga ah ee Banni’daanimo iyo guud ahaan mashaariic hormarineed oo laga fuliyo Soomaaliya.

Safiirka dalka Jarmalka u fadhiya Soomaaliya Amb. Annett Gunther ayaa munaasabad lagu qabtay magaalada Muqdisho shalay oo loogu dabaal-dagayay maalintii Midowga Jarmalka oo lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegtay inay lacagtaasi ugu talagaleen hawlaha gargaarka ee Somalia.

“Inagoo ku taageereyna Soomaaliya waddada ay hayso xiligan, Jarmalku wuxuu sare u qaadeyaa taageerada horumarineed iyo iskaashiga waxayna dowladda Jarmalku ku deeqeysaa Soomaaliya $73 million labada sano ee soo socota,” ayay tidhi Gunther.

Jarmalka ayaa ka mid ah dowladdaha sida dhaw ula shaqeeya una taageera Soomaaliya waxaana ay ka mid tahay wadamada dhinaca dhaqaalaha ka caawiya Dowladda Federaalka ee Somalia.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.