Ayax Ku Habsaday Deegaanka Guumays Ee Gobolka Sool

Guumays, (HCTV) – Wararka ka imanaya deegaanka Guumays oo ka tirsan gobolka Sool ayaa sheegaya in Ayax farabadan oo guuraya uu ku habsaday deegaankaasi.

Dadweynaha ku dhaqan deegaankaasi ayaa qaylo dhaan xoogle ka muujinaya Ayaxan ku habsaday deegaanka Guumays oo ka tirsan gobolka, kuwaas oo ka cabsi qaba inuu xaalufiyo dhul balaadhan oo isugu jira dhul daaqsimeed iyo beeraha deegaankaasi ku yaala.

Mid ka mid ah dadka deegaanka Guumays ku nool oo la hadlay Telefishanka HCTV ayaa sheegay in dhamaan deegaanada magaalada Guumays galbeed ka xiga uu saamayn ku yeeshay Ayaxani, isla markaana uu ku habsaday.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.