Qaramada Midoobay Oo Ka Wer-wersan Mushaharka Shaqaalaha Ee Bisha Dambe

N.york (HCTV) – Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa sheegay in aanay Shaqaalaha u haynin wax Mushahar ah oo siiyaan bisha dambe, haddii Dalalka xubnaha ka ahi aanay bixinin wixii ku waajibay.

Antonio Guterres wuxuu sidaa u sheegay 193 Dal ee ka midka ah Qaramada Midoobay ee ka qayb-galay Shirka loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, sida ay ku warrantay Salaasadii Shalay Wakaaladda Wararka ee Reuters.

“Bishan waxaanu gaadhi doonaa hoos  u dhici u weynaa ee nagu dhaca Tobannaan sano..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Waxaanu khatar ugu jirnaa inaanu bisha November weynu waxaanu ku bixino Mushaharka shaqaalaha..”

Antonio Guterres oo hadalkiisa sii wata wuxuu sheegay in arrintaasi ay khatar ku tahay shaqooyinkii Qaramada Midoobay hayso iyo dib u habayn ay wadeen.

Miisaaniyadda Qaramada midoobay oo sannadka 2019-ka ahayd 3.3 Billion waxa 22% bixiyey Maraykanka, laakiin Qaramada Midoobay ayaa dhaqaalaha ugu badan ku bixisa hawlaha bani-aadamnimo, Siyaasadaha Dalalka Adduunka, hub ka dhigista iyo Arrimo kale oo ay ka mid yihiin Dhaqaalaha iyo Horumarinta Arrimaha Bulshada.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka