“Waxaa Naga Go’an Inaan Dhageysano Cid Kasta Oo Wax Tabaneysa, Laakiin..” Farmaajo

Muqdisho (HCTV) – Madaxweynaha Dawladda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdillaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa sheegay in aanay diyaar u ahayn inay dib uga noqdaan halkay Maanta marayaan isla-markaana ay doonayaan inay hore u sii wadaan dedaalkooda horumarineed.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in aanay Cidna ka aqbalayn inay is hor taagto Yagleelidda Qaranimada Soomaaliyeed, diyaarna u yihiin inay dhegaystaan Cid kasta oo wax tabanaysa.

Madaxweynaha oo Arrrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxaa naga go’an inaan dhageysano cid kasta oo wax tabaneysa, waxaan naga go’an inaan garowshiyo siino cid kasta garowshiyo leh, waxaan naga go’an inaan raali galino cid kasta oo raali galin mudan waxaan naga go’an inaan ka mira dhalino dib u-heshiisiin waarta oo ka hirgasha dhammaan gayiga Soomaaliyeed laakiin marna ma ogolaan doono inaan dib u laabano marna ma ogolaan doono inaan aqbalno wax qaranimada ka yar,marna ma aqbali doono cid kasta oo is hortaagta dib u-yegleelida Qaranimada Soomaaliyeed”

Hadalka Madaxweynaha waxa Maanta baahisay Warbaahinta Dawladda Soomaaliya.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka