Dufcadii 11aad Oo Ka Kooban 606 Arday Oo Ka Qalinjabiyey Jaamacadda Admas

Dufcadii 11aad Oo Ka Kooban 606 Arday Oo Ka Qalinjabiyey Jaamacadda Admas

Dawladda Dhexe Oo Dawladaha Hoose Ku Canaanatay Qashinka Magaalooyinka Daadsan
Diblomaasi Eritrean Ah Oo Madaxweyne Farmaajo Ka Codsaday In Loo Cusboonaysiiyo Dhalashada Somalia
Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Mid Noqday 20 Hogaamiye Oo Afrikan Ah Oo Shir Uga Furmay Japan
Dalal Kale Oo Ku Soo Biiray Dawladaha Danaynaya Martigalinta Wadahadalada Somaliland-Somalia
Akhri: Sucuudiga Oo Cambaareeyay Qorshe Isreal Ku Qaadanayso Dhul Kale Oo Muslimiin Leeyihiin

Hargeysa, (HCTV) – Dufcadii 11aad oo ka kooban 606 Arday ayaa ka qalinjabiyey Jaamacadda Admas ee magaalada Hargeysa, kuwaas oo munaasibad balaadhan oo loogu fooladeeyey loogu qabtay Hotel Maansoor ee Magaalada Hargeysa.

Munaasibadii Qalinjabinta Ardayda Jaamacada Admas ayaa waxa ka soo qaybalay masuuliyiin ka kala socday xukuumada, Xisbiyada Mucaaridka, Waalidiin, Arday iyo Marti sharaf kale, oo uu horkacayo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) kuwaas oo dhamaantoodba la qaatay farxada Ardayda qalinjabisay.

Ardaydan Jaamacada Admas ka qalinjabisay maanta ayaa baratay culuumta kulliyadaha kala duwan ee ay bixiso jaamadaasi oo isugu jira heerka Koowaad ee Degree iyo heerka labaad ee Master, waxaana ka mid ah kulliyadaha ay Ardaydaasi ka qalinjabisay oo kala ahaa Project Planning and Management, Accounting, Architecture and Urban Planning, Social Work, Economics, Human Resource (HR), ICTV, Nursing, Development Studies, Management, Public Heath iyo kulliyado kale oo ay bixiso Jaamacaddu.

Ugu horayn waxa munaasibadaasi ka hadlay Madaxweynaha Jaamacada Admas Dr. MollaTsegay, ayaa u hambayeeyey Ardayda qalinjabisay, isagoo sidoo kalena munaasibada kaga dhawaaqay  in Jaamacada Admas qaybteeda Addis Ababa ay siisay deeq waxbarasho 5-ta Arday ee ugu sareeya ee maanta ka qalinjabiyey Jaamacada Admas qaybteeda Hargeysa waxbarasho bilaash ah oo shahaadada labaad ah (Master) .

Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo isaguna munaasibadaasi khudbad ardayda uga jeediyey ayaa ku booriyey inay waxbarashada sii wataan, ismarkaana ay iyagu abuurtaan fursado shaqo.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo munaasibadaasi ka haday ayaa waxa uu yidhi “Mudaneyaal iyo Marwooyin dhamaan, Ardayda Qalinjabinaysa, waxa maanta sharaf weyn inoo ah inaynu ka soo qaybgalno xafladdan ay ku qalinjabinayaan in ka badan 606 Arday oo wax ka bartay Jaamacada Admas, oo runtii wax weyn ku soo biirisay Qarankan.

Dhalinta iyo waayeelka qalinjabiyey iyagana waxaan leeyahay hambalyo hambalyo, Illaahay waxaan idiinka rajaynaynaa mustaqbal wanaagsan, sidoo kale waxaan u mahadnaqayaa Jaamacada Admas oo runtii ah jaamacadaha ugu mudan dalka oo muddo 15-ka sano ah wax weyn ku soo kordhiyey, waalidka iyo macalimiinta waxaan leeyahay Hambalyo aadbaan idiinku hambalyeynayaa,” ayuu yidhi Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo khudbad u jeedinayey Ardayda maanta ka qalinjabisay Jaamacada Admas.

Sidoo kale waxa iyaguna intii munaasibadu socotay hadalo ka soo jeediyey masuuliyiin ay ka mid ahaayeen Agaasimaha Tacliinta sare Axmed Muuse Muruud, Gudoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro, Musharaxa Madaxweyne ku xigeen ee xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, Marwo Faadumo Siciid iyo masuuliyiin kale kuwaas oo dhamaantoodba ardaydii maanta qalinjabisay madashaasi uga jeediyey hadalo dhiirigalin iyo dardaaran ah.

Munaasibadan ay maanta ku qalijnabiyeen ardayda Jaamacada Admas oo ahayd mid cajiib ah oo intii ay socotay xafladda uu sii qurxiyey Roob Ardaydii iyo Waalidiintii damaashaadayey ay aad ugu diirsadeen iyo sidoo kale .

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.

COMMENTS

%d bloggers like this: