Madaxweynaha Somaliland Oo Qaabilay Safiirka Midawga Yurub U Qaabilsan Somaliland/Somalia

Hargeysa, (HCTV) – War-saxaafadeed: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Qaabilay Safiirka Midawga Yurub U Qaabilsan Dalalka Somaliland Iyo Soomaaliya Amb. Nicolás Berlanga Martínez.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta oo ay taariikhdu ahayd 10-09-2019 xafiiskiisa ku qaabilay safiirka midawga yurub u qaabilsan dalalka Somaliland iyo Soomaaliya, Amb. Nicolás Berlanga Martinez iyo wefti uu hoggaaminayo.

Kulankaana waxa lagaga wada hadlay xoojinta xidhiidhka wada shaqayneed ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo midawga yurub sidii loo dardar-gelin lahaa. Sidoo kale, waxa lagu lafo-guray mashaariicda horumarineed ee midawga yurub iyo Jamhuuriyadda Somaliland iska kaashadaan hirgelintooda iyo diyaar garawga doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka oo safiirku sheegay inay dhinacooda diyaar u yihiin wixii kaalmo ah ee ay kaga qayb-qaadanayaan qabsoomida doorashooyinka Somaliland.

Ugu danbayntiina madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo uu kulanka ku wehelinaayey wasiirka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa safiirka iyo midawga yurub ku bogaadiyey xidhiidhka wanaagsan ee ka dhexeeya Somaliland iyo midawga yurub iyo mashaariicda horumarineed ee ay dalka ka wadaan.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.