Nin Tooray Ku Hubaysan Oo Dhaawacay Wasiir Amni

Indonesia (HCTV) – Nin Middi ku hubaysan ayaa weerar ku qaadday Wasiirka amniga ee Dalka Indonesia Mr. Wiranto, kaasi oo khamiista oo booqasho ku marayey Magaalada Pandeglang oo ka mid ah Gobolka Banten ee Jaziiradda Java.

Weerarka ayaa waxa muujinaya Sawirro Boolisku soo qaaday isla-markaana laga baahiyey Telefiishannada Dalka Indonesia, sida Al-jazeera uu baahiyey Maanta.

Afhayeenka Booliska Dedi Prasetyo oo xaqiijiyey Weerarka lagu qaaday Wasiirka Amniga ayaa Warbaahinta u sheegay in Weerarka loo xidhay Nin iyo Qof Dumar ah oo daba taagnayd markii Weerarku dhacayey.

Wakaaladda Wararka ee AFP ayaa iyaduna Booliska ka soo xigatay in laga yaabo in Ninka Weerarka ku qaaday Wasiirka Amnigu uu yahay Xag-jir ka mid ah Kooxda Daacish.

Afhayeen u hadlay Cisbitaalka Jakarta ayaa sheegay in Wasiirka la weerarray la daweeyay, ka dibna laga saaray Cisbitaalka, Xaaladdiisuna deggan tahay, laakiin Warar kale ayaa sheegaya in Madaxweynaha Indonesia uu Wasiirkiisa Amniga ku booqday Cisbitaal Millateri oo markii dambe la geeyay.

Wasiirka ayaa qaba laba dhaawac oo uu Ninku soo gaadhsiiyey.

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka