War-bixinta Roobabkii Karanta Ee Somaliland Ka Da’ay Bilihii July Illaa September, 2019

Hargeysa (HCTV) – Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland, gaar ahaan Qaybta Saadaasha Hawada ayaa soo bandhigay War-bixinta Roobabkii Karanta ee July illaa September, 2019.

Roobabkii Karanta ee Bilihii July illaa September 2019-ka da’ay guud ahaan dalka oo dhan galbeed iyo bariba,kuwaas oo aad uga badan marka loo roobabkii sanadihii la soo dhaafay.

Xogta roobka ee laga soo ururiyey xarumaha Saadaasha Hawada ee gobolada iyo degmooy-inka waxaa ka mid ah,Camuud (376mm) Botor (344mm),Wajaale (340mm) Gebiley (285mm), Hargeysa (245.5mm), Allaybaday (220.5mm), Ceeriaagbo (211.5mm), Qolujed (207.5mm), Baki (207mm), Dhubato (205mm)  A b u r i i n ( 2 0 0 . 5 m m ) , M a g a a l o – C a d ( 1 9 3 m m ) , D i l l a ( 1 8 3 m m ) , S h e i k h  (164mm),Salaxley (156mm), iyo Balidhiig Malowle(135mm).

Waxaa kale oo jira deegaano badan oo roobab fiicani ka de’een waxaana ka mid ah;- Taysa,Cadaadle,Baligubadle, Lasodacawo, Gatiitaley ,Geerisa, dararweyne Badhan.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka