Madaxweynaha Somaliland Iyo Raysal-wasaare Ku-xigeenka Somaliya Oo Aas Ka Wada Qayb-galay

Hargeysa (HCTV) – Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa Maanta safar ku tagay Dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan Masuuliyiin ka mid ah Xukuumaddiisa ayaa Magaalada Jabuuti kaga qayb-galaya Aaska Maareeyihii Dekedaha Jabuuti Sacad Cumar Geelle oo dhawaan ku Geeriyooday Dalka Faransiiska.

Sacad Cumar Geelle oo ay Walaalo ahaayeen Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku Geeriyooday Dalka Faransiiska oo uu muddo ku sugnaa.

Madaxweynaha Somaliland ayaa la filayaa inuu Gelinka dambe ee Maanta dib ugu soo laabto Magaalada Hargeysa.

Dhanka kale, Aaska Sacad Cumar Geelle ayaa waxa ka qayb-galay Madax badan oo kale, kuwaasi oo uu ka mid yahay Raysal-wasaare ku-xigeenka Dawladda Federaalka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar)

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka