Haweenka Sucuudiga Oo Loo Fasaxay Inay Ka Mid Noqdaan Ciidammada

Saudi (HCTV) – Haweenka Sucuudiga ayaa loo ogolaaday inay ka mid noqon karaan ama ku biiraan Ciidammada Sucuudiga, taasi oo hore Mabnuuc uga ahayd.

Tan ayaa qayb ka ah Qorshaha Boqortooyadu Sucuudigu dib ugu habaynayso Bulshada iyo Dhaqaalaha Dalkaasi, sida uu Maanta baahiyey Wargeyska The National oo Telefiishanka HCTV uu Warkan ka soo xigtay.

Go’aankan ayaa ka mid ah dib u habayn looga dan leeyahay in kor loogu qaado xuquuqda haweenka, kaasi oo ka soo baxay Boqortooyada Sucuudi Carabiya.

“Waa Tallaabo kale oo lagu xoojinayo..” ayuu Wasiirka Arrimaha dibedda Sucuudigu ku yidhi Qoraal uu arrintan kaga hadlay oo uu ku baahiyey bartiisa Twitter-ka.

Bishii January ayaa Wasaaradda Shaqada iyo Horumarinta Bulshadu waxay soo saartay Awaamiir la xidhiidha Dumarka, waxayna soo jeedisay in Shaqooyinka la bixinayo Ragga iyo Dumarka si siman loo siiyo.

boqolkiiba 20 ka mid ah Haweenka Sucuudigu waa  bilaa shaqo, marka la eego War-bixintii Baanka Adduunka ee sannadkii 2018.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka