Raysal Wasaaraha Israel Oo Hawlgalka Turkiga Ee Suuriya Ku Tilmaamay Isir Sifayn

Raysal Wasaaraha Israel Oo Hawlgalka Turkiga Ee Suuriya Ku Tilmaamay Isir Sifayn

Hello world!
Haweenay Canada Ka Codsatay In Laba Hablood Oo Somaliland Ku Xidhan Loo Soo Daayo
Hay’adda World Concern Oo Kaalmo Gaadhsiiyay Deegaanka Laasa Daar
Dibed-baxayaashii Reer Lubnaan Oo Ku Guulaystay Hadafkoodii
Qaramada Midoobay Oo Ayaa Dambi-Dagaal Ku Macnaysay Duqayn Tahriibayaal Lagu Dilay

Tel Vive, (HCTV) – Raysal Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa maanta oo khamiis ah si adag u cambaareeyey hawlgalka milatari ee Turkigu uu ku qaaday maleeshiyaadka Kurdishka ah ee waqooyiga dalka Suuriya ku sugan, waxaanu sheegay inay suuragal tahay inay dhacdo isir sifayn ka dhan ah Kurdishka Suuriya.

“Israel waxa ay si xoogan u cambaaraynaysaa hawlgaka dhulka Kurdishka Suuriya uu ku qalay Turkigu, waxaanay ka digaysaa dagaal Isir Sifayn ah oo Kurdishka ka dhan ah,” ayuu Raysal Wasaaraha Israe Benjamin Netanyahu uu ku sheegay qoraa uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka, waxaanu intaasi ku daray “Israel waxa ay diyaarinaysaa inay fidiso kaalmo gargaar bani’aadanimo oo ay gaadhsiiso dadka Kurdishka ah ee dagaalka lagu soo qaaday.

Dhinaca kale wararka ka imanaya waqooyiga Suuriya ayaa sheegaya in dagaal culus iyo duqayn uu dalka Turkigu dib ugu riixay maleeshiyaadka Kurdishka ee dalka Suuriya, dagaaladan ku barakacay dad aad u tiro badan oo rayid ah.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.

COMMENTS

%d bloggers like this: