Hoggaamiyeyaasha Gobolka Oo U Socdaalay Dalka Ethiopia

Addis Ababa, (HCTV) – Qaar ka mid ah Hoggaamiyeyaasha gobolka ayaa u socdaalay dalka Ethiopia Maanta oo khamiis ah si ay uga qaybgalaan munaasibado ka dhici doona dalkaasi Ethiopia oo ay ka mid tahay furitaanka Beerta Midnimada oo ah mashruuc dalxiis oo laga hirgeliyey dalka Itoobiya.

Hogaamiyeyaashan gobolka ee u socdaalay dalka Ethiopia ayaa waxa ka mid ah Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta, Madaxweynaha Ugandan Yoweri Museveni, Madaxweynaha Koonfurta Sudan President Salva Kiir iyo Madaxweynaha Somalia Mohamed Abdullahi Farmaajo, halka dalka Djibouti uu ku matalayo wefti uu hogaaminayo Nabil Mohamed Ahmed.

Madaxweynaha Somalia oo isagu maanta gaadhay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia ayaa soo dhaweyn diiran kala kulmay Raysal Wasaaraha dalka Ethiopia oo martiqaad u fidiyey, waxaana kulan ay wadayeesheen Raysal Wasaaraha Ethiopia iyo Madaxweynaha Somalia ay kaga wadahadleen kor u qaadista xidhiidhka labada dal ee ka wadashaqaynta amaanka gobolka iyo xoojinta dhaqaalaha.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.