Turkiga Oo Dilay 342 Dagaalyahan Oo Kurdish Ah

Ankara, (HCTV) – Ciidamada Turkiga ayaa dilay ugu yaraan 342 dagaalyahan oo Kurdish ah, waxaana hawlgalka ugu balaadhan ee dhinaca milatarigu uu ka socdaa waqooyi-bari ee dalka Suuriya, sida uu sheegay Wasiirka Difaaca ee dalka Turkiga.

Weerarkan Turkigu uu ku qaaday Kurdishka Suuriya ayaa galay maalintii saddexaad, kadib markii uu sheegay Madaxweynaha dalka Turkigu in hawlgalka weerarkaasi uu ujeedadiisu ay tahay sidii meesha looga saari lahaa ciidamada ay Kurdishu hogaamiyaan eek u sugan xadka, isla markaana meesha looga dhigi ahaa meel amaan ah “safe Zone’.

Hase yeeshee ilaa iyo hadda waxa ku barakacay dagaaladaasi uu Turkigu qaaday malaayiin qof oo qoxoonti Suuriyaan ah.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.