Berbera: 15 Qof Oo Shilal Gaadhi Ku Dhintay 20 Saacadood U Dambeeyay

Berbera (HCTV) – Waxa Saaka Magaalada Berbera Gudaheeda ka dhacay Shil gaadhi, kaasi oo ahaa Bas siday Dad rakaab ah.

Baska oo ku Qalibmay Waddada Kaydka Biyaha ee Magaalada Berbera ayaa waxa ku Geeriyooday 1 Qof oo ahaa Dirawalkii Gaadhiga Waday, halka ay ka dhaawacmeen 8 kale oo ka mid ahaa Rakaabka Baska la socday.

Sidaana waxa xaqiijiyey Isu-duwaha Wasaaradda Caafimaadka ee Gobolka Saaxil, Dr. Bashiir Diiriye Jaamac waxaanu yidhi “Shil Baabuur ayaa ka dhacay Waddada bariga, gaar ahaan halka Kaydka Biyaha, shilkaasi wuxuu ahaa gaadhi Bas ah oo Rakaab siday, waxa ku Geeriday Shilka Wadihii gaadhiga, waxaana Cisbitaalka Berbera la keenay 8 Qof oo dhaawac ah..”

Shilka Saaka dhacay, ayaa ku soo beegmaya xilli shalay gelinkii dambe ay 11 Qof ku dhintay Shil gaadhi oo ka dhacay inta u dhaxaysa Magaalada Berbera, halka ay 14 kalena ku dhaawacmeen.

Shilka ay 11-ka Qof ku dhinteen ayaa yimid, ka dib markii ay isku dhaceen gaadhi Nooha ah oo siday Dad Qoomiyadda Oromada ah oo doonayey inay Tahriibaan iyo Gaadhi nooca Qaadka qaada ah (Candho-maydle).

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka