Kenya Oo Wefti U Soo Dirtay Caleemo-saarka Madaxweyne Axmed-Madoobe

Kismaayo (HCTV) – Dawladda Kenya ayaa Wefti u soo dirtay Caleemo-saarka Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ee Soomaaliya, Axmed-madoobe.

Weftigan oo diyaarad la sheegay inay Jubbaland iibsatay ka soo qaadday Magaalada Nairobi ayaa waxa hor-jkacaya hoggaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale, waxaana la socdo Xildhibaanno ka mid ah Muneyaasha laga soo doorto Gobolka Waqooyi-bari ee Kenya.

Weftiga waxa si diiran Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed-Madoobe) iyo Dadweyne kale oo ay ka mid yihiin odayaasha dhaqanka ee Jubbaland.

Weftiga uu hoggaaminayo Aadan Barre Ducaale ayaa Magaalada Kismaayo u tagay inay ka qayb-galaan Caleemo-saarka Madaxweynaha Jubbaland, kaasi oo Dawladda Federaalku ka soo horjeedo.

Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Kenya ayaa hore isugu khilaafay in diyaaradaha ka soo duulaya Nairobi aanay Magaalooyinka soomaaliya fadhiisan, illaa ay soo maraan Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, waxayna Dawladda Soomaaliya ay dacwad arrintaa ka qabto hore ugu gudbisay Hay’adda Maamusha Hawada Adduunka ee ICAO.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka