Hoggaamiyihii Al-qaacida ee Koonfurta Qaaradda Asia Oo Lagu Dilay Afghanistan

Afghanistan (HCTV) – Hoggaamiye sare oo ka tirsanaa Al-qaacida ayaa lagu dilay Koonfurta dalka Afghanistan, ka dib hawl-gal ay si wada jir ah u sameeyeen Ciidammada Maraykanka iyo kuwa Afghanistan.

Masuuliyiin ayaa sidaa xaqiijiyey Salaasadii, waxayna sheegeen in lagu khaarajiyey Hawl-gal wada-jir ah oo ay sameeyeen Ciidammada Maraykanka iyo kuwa Afghanistan.

Ninka la dilay oo Magaciisa lagu sheegay Asim Umar ayaa Madax u ahaa kooxda Al Aqis oo xulafo la ah Al-qaacida, wakiilna uga ah Koonfurta Qaaradda Asia.

Asim Umar ayaa lagu dilay duqayn 23-kii bishii hore ka dhacday Ururka Daalibaan ku leeyahay Degmada Musa Qala oo ka mid ah Gobolka Helmand.

Asim Umar, who led the terrorist group in the Indian subcontinent, known as Aqis, from its inception in 2014, was killed during a raid on September 23 at a Taliban compound in the Musa Qala district of Helmand province, officials said.

Ururka Ninkani hoggaaminayey ee Aqis ayaa loo adeegsadaa inuu baraarujiyo ama dhiirigeliyo Dagaalyahannada Al-qaacida ee India, Bangladesh iyo Myanmar.

Hawl-galka duqaynta ah ee ninkan lagu khaarajiyey, waxa khasaare ka soo gaadhay oo ku dhintay ugu yaraan 40 Qof oo Qof, kuwaasi oo isagu jira Dumar iyo Carruur.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka