Tahriibayaal Afrikan Ah Oo Doon Ay Kula Degtay Mexico

Mexico, (HCTV) – Doon yar oo siday Tahriibayaal Afrikan ah ayaa ku degtay xeebaha Koonfurta Mexico, taas oo ay ku dhinteen laba qof halka kuwo kalena la yahay, sida ay xaqiijiyeen masuuliyiinta dawaddu.

Doontan ayaa maraysay xadka gobolka Koonfurta dalkaasi ku yaala ee Chiapas halkaas oo ay dhinac u ciirtay.

Waxaana shilkaasi doonta Tahriibayaasha siday maydkiisa la helay wiil da’diisu tahay 39-jir, halka maydkii labaad laga helay meel u jirta boqolaal mitir halkii ay doontu ku dhacday.

Sidoo kale waxa ay wararku intaa ku darayaan in kooxaha gurmadku ay ee baadigoobka ugu jiray dadkii saarnaa doonta ay soo samatabixiyeen sideed kale oo Tahriibayaal ah oo nool, sida uu sheegtay xafiiska da’wad oogaha ee dalkaasi Mexico.

Dhamaan Tahriibayaashan doontu la dagtay ayaa la ogaaday inay ka yimaadeen dalka Cameroon oo ah dal ay mudooyinkii u dambaysay sii kordhaysay khilaafka dhinaca bulshada ku kala hadasha Faransiiska iyo Ingiriisiga ee dalkaasi ku dhaqan.

Gobolkan Chiapas ayaa isaguna noqday mudooyinkii u dambeeyey marinka Mexico ay uga gudbaan Tahriibayaashu dalka Maraykanka.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.