Caleemo-Saarka Madaxweynaha Jubbaland Oo Si Habsami Leh Uga Dhacday Kismaayo

Kismaayo, (HCTV) – Caleemo-Saarka Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland ayaa si habsami leh uga socota magaalada Kismaayo ee caasimada Maamulkaasi.

Munaasibad ay ka soo qaybgaleen masuuliyiin hore iyo kuwo hadda jooga oo iskaga kala yimid gobolada Soomaalida ayaa lagu caleemo saarayaa madaxweynaha dowlad gobolleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Munaasabadan maanta lagu caleemo saarayo Madaxweynaha Jubbaland ayaa dhowr jeer oo hore dib u dhacday kaddib markii ay dowladda federalka ee Somalia ay xayiraad ku soo rogtay duulimaayadii tagay Kismaayo inkastoo markii danbe ay dowladdau fasaxday.

Dhinaca kale waxa isa soo taraya khilaaf u dhexeeya dawladda Somalia iyo Dawladda Kenya kadib markii Somalia ay ku eedaysay dalka Kenya inuu ku xadgudbay hawladda Somalia oo diyaarado ka yimid dalka Kenya ay socdaal ku tageen magaalada Calleemo Saarku ka dhacayo.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.