Ciidamo Kenyan Ah Oo Lagu Dilay Dulleedka Gaarisa

Gaarisa, (HCTV) – 10 Askari oo ka mid ah ciidamada dalka Kenya ayaa lagu dilay qarx miino oo ka dhacay shalay deegaan ka tirsan maagalada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Ciidamadan oo qaraxa dhulka loogu aasay ayaa ku qarxay Kolonyo ka mid ah Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kenya, xilli ay marayeen deegaanka Cabdi Sugeey kana soo baxeen deegaanka  Xaar-xaar oo ku yaalla xadka Soomaaliya iyo Kenya.

Ururka Mayalka adage e Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyada weerarkaasi inay ka dambeeyeen, isla markaana ay ku dileen toban askari, sida ay baahiyeen warbaahinta dalka Kenya.

Sidoo kale ururka Al-shabaab ayaa sheegtay in ay maanta weeraro qaraxyo miino ah ay la eegteen ciidamada dowlada duleedka degmada Balcad iyo deegaanka Warmaxan ee degmada Wanlaweyn.

Wararkii ugu dambeeyey ee Maanta aan ka heleyno deegaankii uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Kenya ay wadaan dhaq dhaqaqyo Ciidan,isla markaana Gaadiidkii ka shaqeynayey deegaano ka tirsan Magaalada gaarisa uu hakad ku jiro.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.