Madaxweynaha Rwanda Oo Markii Ugu Horaysay Ka Hadlay Arinta Aqoonsiga Somaliland

Kigali, (HCTV) – Madaxweynaha dalka Rwanda President Paul Kagame ayaa markii ugu horaysay ka hadlay arinta aqoonsiga Somaliland, kadib markii gabadh reer Somaliland ah oo magaciida ku sheegtay Suhuur ay ka codsatay Madaxweynaha inuu aqoonsato Somaliland oo ay u baahan yihiin Aqoonsi.

Paul Kagame, Madaxweynaha dalka Rwanda ayaa isagoo codsigaasi ka jawaabaya waxa uu tilmaamay in arinta aqoonsiga loo baahan yahay had iyo jeer in loo maro barnaamij caalami ah oo uu hagayo sharciga iyo siyaasada.

Hase yeeshee waxa uu Madaxweynuhu uu sheegay in kiiskaasi Aqoonsi raadinta ay Somaliland hore usii wado si ay u xaqiijiso kiiskaasi ilaa inta ay ka helayso aqoonsi caalami ah.

Madaxweynaha dalka Rwanda Paul Kagame ayaa wax uu hadalkan ka sheegay shirka Dhalinyarada Afrikaanka ah ee ka dhacay Kigali isagoo arintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxaan u malaynayaa inaad sii wadaan arintaasi si aad u xaqiijisaan kiiskiina ilaa inta aad ka gaadhaysaan ujeedadaasi. Taasi maaha waxa aan samayn karno hadda inaan ku dhawaaqo,” ayuu yidhi Madaxweynaha dalka Rwanda.

“Waxaan maqlay in Somaliland ay ku dhawaaqday inay ka madax banaantahay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo in la sameeyay maamul goboleedyo kale, dowladda federaalku ma ogolaaneyso go’aankaaga laakiin waxay kuxirantahay sida ugu wanaagsan ee aad ugu hoggaansanto shuruucda iyo qawaaniinta caalamiga ah”. ayuu raaciyay Paul Kagame.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.