Madaxweynihii Hore Ee Kenya Daniel Arap Moi Oo Cisbitaal La Geeyay

Nairobi (HCTV) – Madaxweynihii hore ee Dalka Kenya, Daniel Arap Moi ayaa Fiidnimadii Axaddii ee Shalay loo qaaday Cisbitaal ku yaalla Magaalada Nairobi.

Ujeeddada Cisbitaalka loo geeyay ayaa Qoyska Daniel Arap Moi ku sheegeen inay tahay in Xaaladdiisa Caafimaad lagu sameeyo hubin, taasi oo si joogto ah loogu sameeyo.

Xoghayaha Saxaafadda ee Daniel Arap Moi ayaa Wargeyska Nation u sheegay in Sababta Moi loo geeyay Cisbitaalku tahay inuu arko Dhakhtarkiisa gaarka ah Dr David Silverstein oo uu baadhitaan ugu sameeyo, ulana socdo Xaaladdiisa.

Xoghayaha Saxaafadda ee Moi wuxuu meesha ka saaray inuu jiro wax wer-wer ah oo laga qabo Xaaladda Caafimaad ee Madaxweynihii hore ee Kenya,  “Waan xaqiijin karaa in Moi uu booqday Cisbitaalka, si loo baadho Caafimaadkiisa..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray inay arrin iska dabiici ah tahay in Qof walba uu baadhitaan Caafimaad maro, laakiin aanay jirin wax wer-wer ah oo qabo Xaaladda Caafimaad ee Moi oo xilligan da’ ah.

Xanuunada uu ka cawdo Moi ayaa waxa ka mid ah mid ka haya Jilibka, kaasi oo ka soo bilaabmay Shil uu sannadkii 2006-kii ku galay deegaanka Limuru.

Mr Moi oo Dalka Kenya xukumayey muddo 24 Sanadood ah oo u dhaxaysey 1978 illaa 2002-dii ayaan xilligan ka dhex muuqan siyaasadda Dalkiisa Kenya.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka