Qaramada Midoobay Oo Ka Hadashay 2 Sano Guurada Qaraxii Soobbe

Muqdisho (HCTV) – Maanta oo ah 14-ka bisha October, 2019 ayaa ku beegan laba Sano guurada ka soo wareegtay Weerar Argagixiso oo 14-kii October, 2017 ka dhacay Isgoyska Soobbe ee Magaalada Muqdisho.

Weerarkan oo loo adeegsaday Gaadhi weyn oo Walxaha Qarxa laga soo buuxiyey ayaa waxa ku dhintay Dad gaadhaya 500, waxaana ku dhaawacmay tiro intaa ka badan, waxaanu noqday Qaraxii ugu khasaaraha badnaa ee Soomaaliya ka dhacay intii ay caanka ku noqotay qaraxyada dhibka ku haya.

Xuska laba Sano guurada Qaraxii Soobbe ayaa waxa ka hadlay Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, waxaanu sheegay in aanay weli qalbiisa ka gu’in khasaarihii uu Qaraxaasi sababay.

“Dilka iyo dhaawaca macno-darrada ah ee loo geystay Soomaali  faro badan ayaan weli ka go’in xasuusteena.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Waxaanu dhibaatada la qeyb-saneynaa dadkii dhibaatada ka soo gadhay iyo qoysaskooda adkeysiga  iyo dhiiranaanta Soomaalida kaddib weerarkaas iyo kuwo kale oo ay  geysteen Kooxaha xagjirka..”

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka