Akhri: Sababta Ay Isku Casishay Xoghayihii Arrimaha Dibedda Ee Xisbiga WADDANI

Hargeysa, (HCTV ) – Xoghayihii arrimaha dibadda ee xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Faadumo Siciid ayaa maanta iska casishay xilkii iyo xubinimadii xisbiga Waddani ay ka haysay.

Marwo Faadumo Siciid, Xoghayaha Arimaha Dibada ee Xisbiga Waddani ayaa sheegtay in si iskeed ah uga tagtay xisbigii ay ka tirsanayd, islamarkaana ay door biday inay noqoto siyaasi madax banaan.

Marwo Faadumo ayaa sheegtay in siyaasadii Somaliland noqotay mid sidii la rabay ka hooseysa, isla markaana ay damiirkeedu siin waayey inay xisbiyada aanay waxba ka bedeli Karin sii dhex joogto.

“Markan arkay siday wax u jiraan iyo marxadalaha lagu jiro, ma jiraan mucaarad adag iyo muxaafad adag, waxaanay siyaasadii noqotay wax aan lagu milmi Karin, waxaana door biday inaan noqdo siyaasi madax banaan oo aragtidiisa ay madax banaan tahay”ayey tidhi Faadumo Siciid.

Faadumo Siciid ayaa ahayd haweenay aad ugu firfircoon arrimaha xisbiyada iyo bani’aadanimada, waxaanay aad u dhaliili jirtay xukuumadihii kala dambeeyey ee xisbiga KULMIYE oo ay si weyn uga soo horjeeday.

 

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.