Akadamiyadda Nabadda Iyo Horumarinta Somaliland Oo Qabatay Kulan Lagaga Dooday Saami-qaybsiga Doorashada Wakiilada

Hargeysa, (HCTV) – Akadamiyada Nabada iyo Horumarinta Somaliland ayaa kulan dood ah oo lagaga hadayey Arinta Saami qaybsiga Doorashada Golaha Wakiilada ee soo socota waxa ay ku qabatay magaalada Hargeysa.

Kulankan oo ay ka soo qaybgaleen Aqoonyahan, Siyaasiyiin, Xildhibaano, Dhalinyaro Asxaab iyo Ururada Bushada Somaliland ayaa waxa lagaga dooday qaabka loo gali karo doorashada golaha wakiilada.

Ugu horayn waxa kulankaasi ka hadlay Gudoomiyaha Akadamiyada Nabada iyo Horumarka Somaliland Maxamed Faarax, kaas oo sheegay in Somaliland siyaasada iyo waaqiciga jira ay kala koreen, isla markaana siyaasadu aanay la korin.

Sidoo kale Maxamed Faarax waxa uu tilmaamay in dimuqaariyada Somaliland aanay keenin horumar dhaqaale oo ay Somaliland tahay dalka 4aad ee ugu saboolsan Afrika.

Sidoo kale waxa kulankaasi ka hadlay, Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee xisbiga UCID Prof Qaasim Sheekh Ibraahim Tubeec kaas oo sheegay in saami qaybsi 50% ah ay doonayaan in lagu qaybiyo doorashada golaha wakiilada oo ay helaan beelaha darifyada Somaliland, halka Beesha dhexena ay hesho 50% ka kale, sidoo kale Axmed Siciid Cige oo ah  faanqeeye siyaasada ayaa isaguna tilmaamay in Somaliland ay dimuqraadiyada ku fashilantay.

Dhinaca kale Wasiirkii hore ee Cadaalada Somaliland Axmed Cali Casoowe ayaa isaguna ku dooday in doorashadii ugu dambaysay ee Baarlamaanka Somaliland ay xisbiyo qaybsadeen isla markaana saddexda xisbi ay isku reer yihiin oo ay doonayaan in beelnimo wax lagu qaybsado.

Doodan ku saabsan doorashada Golaha Wakiilada ee ay Akadamiyadda Nabadda iyo Horumarinta Somailand oo ay soo qaban qaabisay, isla markaana dad badan ay ka hadleen ayaa waxa ka mid ah xubnihii doodooda dhiibtay Prof. Maxamed Cismaan Fadal, Siyaasi Cabdilaahi Dirawal, Xildhibaan Bulqaas iyo Xildhibaan Cartan, Maxamed Abiib, Aqoonyahan Aadan Muuse Jibriil iyo xubno kale oo tiro badan.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.