“Gabadhaas Masaajidka La Jaarka Ahi, Waxba Kamay Xishoon…” Qaar Ka Mid Ah Culimada Hargeysa

Hargeysa (HCTV) – Qaar ka mid ah Culimada Masaajidka Raabida ee ku yaalla Xaafadda Badda cas ee Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in aanay waxba ka jirin eedo ay culimada Masaajidkan iyo Culimada Dalka qaarkood u soo jeedisay Haweenay Deris la ah Masaajidka.

Haweenaydan oo Deggan guri Dawladdu leedahay oo Masaajidka ku Ag-yaalla ayaa sheegtay in Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-siiro) iyo Culimada Masaajidka Masuulka ka ahi ay ku khasbayaan inay Gurigan ka iibiso isla-markaana dhib lagu hayo.

Hase-yeeshee, Culimada Masaajidka Raabida oo Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in eedaynta Gabadhaasi tahay been aan Sal iyo Raad lahayn.

Sheekh Cali Sheekh Mahdi oo ugu horrayn halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Anigoo ah Imaamka Masjidka Raabida, waxaan halkan ka caddaynayaa hadalkii ay Gabadha Saynab Maxamed kaga hadashay aad iyo aad baanu uga xunnahay, waanuna cambaaraynaynaa..”

Sheekhu wuxuu sheegay in eedda ay Gabadhu u jeedisay Sheekh Aadan-Siiro tahay wax aan raad lahaydn “Sheekhu waa nin Hanti ku filan haysan, Masaajidkana wuxuu u taro mooyaane waxba ma yeelo, Ummadana wax tar buu u yahay, ka nool iyo ka dhintay..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Gabadhaasi Ilaahay iyo Ummaddiisa midna kama xishoon, markay leedahay Gurigaa la igu haystaa, waxaan leeyahay iyadaa Masaajidka haysata, waa Gabadhii ugu horraysay ee aan arko ee leh Dhul baa Masaajidka igaga jira ama Kaabaddii Masaajidka haysata. Annagu Guriga kuma haysano..”

Sheekh Cali wuxuu sheegay inay Saynab uga baahan yihiin inay soo caddayso eedaha ay u jeedisay Maamulka Masjidka Raabida “Gabadhaasi hadday soo caddayn waydo eeddaa ay samaysay, Maxkamadda Sharciga ah ayaanu ku kala baxaynaa..”ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey in Wasiirka hawlaha guud oo yidhi Dhul 9 Mitir ah oo u dhexeeya Masaajidka iyo Guriga Dawladda ee Gabadhu ku jirto uu u qaybinayo “Ummadda waxaan leeyahay, wax walba lama rumaysto, waayo? waa Aakhiru-samaan..”

Sheekh Mustafe Maxamed ayaa isaguna yidhi “Gurigan malaha Gabadhu, Culimaduna malaha ee Dawladdu go’aan fiican haka soo dejiso..”

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka