Maraykanka Oo Cunaqabatayn Kusoo Rogay Turkiga

Washington, (HCTV) – Dawlada Maraykanka ayaa cunaqabatayn ku soo rogtay dalka Turkiga kadib markii Turkigu uu weerar ku qaaday Maleeshiyaadka Kurdishka ah ee dalka Suuriya.

Cunaqabatayntan ayaa saamayn doonta Wasiiro iyo xubno sarsare oo ka tirsan dalka Turkiga, waxaanay arintani jawaab u noqon doontaa weerarka dalka Turkigu uu ku qaaday Suuriya.

Madaxweynaha dalka Maraykanka President Donald Trump ayaa sidoo kale khadka Telefoonka kula xidhiidhay dhigiisa dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan si uu uga dalbado xabadd joojin degdeg ah, sida uu sheegay Madaxweyne ku xigeenka Mike Pence.

Mr Pence ayaa intaasi ku daray inuu u socdaalayo gobolkaasi “Sida ugu dhakhsaha badan.

Taaabadan uu dalka Maraykanku qaaday ayaa ku soo beegmaysa kadib markii dhaleecayn farabadan ay uga timid ka bixitaankii ciidamada Maraykanka ee dalka Suuriya.

Weerarkan dalka Suuriya uu ku qaaday Turkigu ayaa bilaabmay todobaadkii la soo dhaafay kuwaas oo ujeedadiisu ahaa si dib loogu riixo ciidamada dimuqraadi doonka ah ee Suuriya oo ay hogaamiyaan kooxda Kurdishka ah.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.