Madaxweyne Biixi Oo Ka Jawaabay Cabashada Mucaaridka Ee Xubnaha Guddida Doorashooyinka

Hargeysa, (HCTV) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo maanta ka qayb-galay munaasibad loogu dabbaaldegayo maalinta cuntada adduunka oo ku beegan 16-ka Bisha Tobnaad oo maanta lagu qabtay magaalada Hargeysa, ayaa ka jawaabay cabasho mucaaridka Somaliland ka timid oo ku saabsan xubnaha guddida doorashada ee dhawaan uu soo magacaabay.

Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu tilmaamay inuu xubnahaas u gudbiyey ciddii awoodda u lahayd inay axadho oo ay hubiso, go’aanka ay ka qaataanna uu ku qanacsan yahay, “Labada xisbi ee mucaaridka ahi waxa ay keeneen labadii xubnood ee sharcigu siiyey, kumaan farogelin, waayo cid baa u dambaysa sharciga oo intayadaba dib u hubinaysa, sidii ay ahayd baanan u qaatay, Guurtiduna way ii keentay, iyana kuma farogelin oo xeerkaa ah in la is ixtiraamo, awoodda joojintana ma lihiye talo ayaan leeyahay, haddaan xataa wax qoonsado waxan odhan karaa xisbiyow malaha arrintaas sharcigaasaa ku gef ah oo Baarlamaanku way kugu qabsan doonaane halkaas ka sax, midnase ma odhan, anna intii sharcigu ii oggolaa uun baan kusoo daray,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxana uu intaas ku daray.
“Dadkaasna maxkamad baa la geynayaa, maxkamadduna waa Baarlamaanka, Baarlamaanka la leeyahay sharcigii aad dhigteen dadkaas lasoo naqeeyey ma waafaqsan yihiin, shirguddoonka Baarlamaanka oo qudhina ma laha arrintaase waxa leh gole weynaha, way faaqidi oo ka doodi, marka dambena cod bay u qaadi wixii ay soo celiyaanna, haddii aniga la igu soo celiyo iyo haddii xisbi lagu soo celiyoba ceeb ma ahee kuwo kale uun baa keeni oo waa la sixi, waayo sharciga ayaa sidaas oggol, haddii ay sii wada daayaanna waa awooddooda.”

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.