Wasiirka Cadaaladda Somaliland Oo Wax Ma Tarayaal Ku Tilmaamay Ciidamo Dhawaan Goostay

Hargeysa, (HCTV) – Wasiirka caddaaladda Somaliland Cabdirisaaq Cabdi Saalax, ayaa sheegay in ciidamadii dhawaan ka goostay Somaliland ee ku biiray Puntland ay ahaayeen wax matarayaal ku raagay deegaamadaasi.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in aan Calanka Somaliland laga dejin magaalo keliya oo ku taalla bariga Sanaag , calanka la dejiyayna lagu sameeyay hab Macmal ah (Photo Shop), sida uu hadalka u dhigay Wasiirku.

Wariye Xasan Galaydh oo ka tirsan HCTV ayaa Wasiirka Cadaalada waydiiyey sababta markasta oo ciidamo ka goostaan Somaliland loogu tilmaamo waxmatarayaal?

Waxaanu Wasiirka Cadaaladu sheegay in aanay jirin ciidamo tiro iyo muhiimad u lahaa Qarankan oo mar keliya k goostay Somaliland, balse ay ahaayeen ciidamo wax matarayaal ah.

Wasiika Cadaalada Somaliland oo ugu horayn ka hadlaya xaalada Bariga Sanaag iyo Badhan ay wakhti xaadirkan ay sugan yihiin ayaa waxa uu yidhi “Deegaankaas bariga Sanaag iyo gobolka Badhan aadbuu u degan yahay, wax dhibaato ahina kama jiran aad iyo aad ayuu u degan yahay.

Waxoogaa maalmahan waxay dadku yar hadal hayaan hadba askari yaroo daraja hoose ahoo, meelyar joogayoo shaqadii ka tagay, taasi wax micno leh maaha, askarigu sidiisaba ta’siir ama dan kuma leh siyaasada dawladda, caadiyana hadii askariga mee joogaa uu iska tago ama uu is-casilo ama uu dhinto, waa in askari kale uun lagu badalo,” ayuu yidhi Wasiirka Cadaalada Somaliland.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.