Erdogan Oo Shuruud Adag Ku Xidhay Joojinta Duqaymuhuu Ku Hayo Kurdiyiinta Suuriya

Suuriya (HCTV) – Hawl-gallada Ciidammada Turkigu ka wado gudaha Dalka Suuriya ayaa sii soconaya ilaa inta dagaalyahannada Kurdiyiinta ee halkaa ku sugan ay hubka iska dhigayaan, kana baxayaan halka la qorsheeyay in laga sameeyo goob amaan ah, sidaa waxa sheegay Madaxweynaha Turkiga   Recep Tayyip Erdogan.

Madaxweynaha Turkiga oo Arbacada Maanta ka hadlay baaqyada ka imanaya Quwadaha Adduunka ee soo jeedinaya in Xabad joojin laga sameeyo Weerarka Turkigu ku qaaday Kurdiyiinta Suuriya, ayaa  sheegay in aanay jirin Quwad shisheeye oo joojin karta hawl-galka Ciidammada Turkigu ka wado gudaha Suuriya, illaa la gaadho Hadafka Ankara ka leedahay Hawl-galka Suuriya ee ah in la sameeyo goob amaan ah oo la dejiyo Qoxootiga Suuriya ee Turkiga ku sugan.

Madaxweyne Erdogan oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inay Caawa joojinayaan Hawl-galka Suuriya, hadday Dagaalyahannada Kurdiyiintu ku soo dhacaan Jidka saxda ah oo ay goobta ka baxaan “Waxaanu joojin doonaa hawl-galka Caawa, hadday ka baxaan..” ayuu yidhi, isagoo u jeeda Jabhadda Kurdiyiinta ee SDF oo Turkigu Argagixiso u aqoonsan yahay.

Syria Control Map June 14, 2019

Erdogan wuxuu diiday inuu wax wada xaajood ah oo toos ah ama aan toos ahayn oo uu la yeesho Jabhadda Kurdiyiinta, isagoo sheegay in marka keliya ee hawl-galka duqaymaha iyo dhulka isugu jira joogsan karo markay Kurdiyiintu hubkooda dhigaan isla-markaana ka baxaan guud ahaan dhulka u dhow xuduuudka Turkigu la leeyahay Suuriya, si looga sameeyo goob amaan ah oo Xeryo looga sameeyo Qoxootiga Suuriyaanka ee culayska ku haya Turkiga.

Hawl-galka Turkiga oo bilaabmay Toddobadkii hore ayaa waxa cambaareeyay Quwada Adduunka, sida Maraykanka, kaasi oo Shalay Cunaqabatayn uu hawl-galka Turkiga ee Suuriya kaga jawaabayo ku soo rogay Wasiirro ka mid ah Dawladda Turkiga, laakiin Turkiga ayaa hawl-galkan bilaabay markii Ciidammada Maraykanka ee Suuriya joogay ka baxeen Goobtii ay ku sugnaayeen, isla-markaana ka baxeen heshiiskii ay kula jireen Kurdiyiinta.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka