AKHRI: Madaxweynihii Hore Ee Somaliland Oo Hargeysa Lagu Soo Dhaweeyey

Hargeysa, (HCTV) – Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa lagu soo dhaweeyey magaalada Hargeysa, kaas oo soo dhaweyntiisa ay ka qaybqaateen masuuliyiin ay Wasiiro xukuumadiisii hore ka tirsanaa ay ka mid yihiin.

Xildhibaan Nacnac oo ka mid ah Golaha Wakiilada Somaliland oo qayb ka ahaa xubnihii Madaxweynihii hore ee Somaliland ku soo dhaweeyey dalka ayaa waxa uu yidhi “Saaka waxaanu soo dhaweynaynaa madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo warar been ah oo ku saabsan inuu dhintay ama uu xanuunsanayo laga baahiyey, wakaa “Waraabe ka caafimaad weyn”, markaa dadka habaarka ha laga daayo, ummaddii u ducaysayna way mahadsan yihiin, wuu caafimaad qabaa, wakaa saaka soo day,” ayuu yidhi Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.