Dhegaysiga Dacwadda Badda Ee Kenya Iyo Soomaaliya Oo Dib Loogu Riixay 2020-ka

Hague (HCTV) – Maxkamadda Caalamiga ah ee Adduunka ee ICJ ayaa mar kale dib u dhigtey dhageysiga dacwadda muranka badda ee u dhaxeeya Dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Maxkamadda ICJ ayaa hore dhegaysiga Dacwadda ugu muddaysay inay dhacdo 4-ta bisha November ee sannadkan 2019-ka, laakiin Go’aan ka soo baxay Maxkamadda ayay mar kale dib ugu riixday bisha June ee sannadka dambe, 2020.

Dhegaysiga Dacwadda ayaa Maxkamaddu sheegtay inay bilaabmi doonto 8-da bisha June, socona doonto illaa 20-keeda, sida uu xaqiijiyey ku-xigeenka Raysal-wasaaraha Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar).

Waa markii labaad ee Dib loo dhigo dhegaysiga Dacwadda u dhaxaysa Kenya iyo Soomaaliya oo isku haysta qayb ka mid ah Badda u dhaxaysa labada Dalka.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka