Turkiga Oo Hakinaya Hawl-galladiisii Ka Dhanka Ahaa Kurdiyiinta

Ankara (HCTV) – Turkiga ayaa ogolaaday inuu joojiyo hawl-galka Millateri ee uu ka wado Waqooyiga Suuriya, si Jabhadda Kurdiyiinta uga baxaan halkaasi, sida uu ku dhawaaqay Madaxweyne ku-xigeenka Maraykanka Mike Pence

Dhammaan Hawl-gallada Millateri ayaa la hakin doonaa muddo 120 Saacadood ah, muddadaana wuxuu Maraykanku ka caawin doonaa Jabhadda Kurdiyiinta inay ka baxaan halka uu Turkigu doonayo inuu ka sameeyo Goob amaan ah oo la dejiyo Qoxootiga Suuriya ee xilligan gudaha Turkiga ku sugan.

Goobta ammaanka ee Turkigu doonayo inuu sameeyo ayaa ah xuduudka u dhexeeya Suuriya, waxaana la doonayaa in gudaha xuduudka Suuriya la dejiyo qoxootiga Suuriyaanka ah ee Turkiga ku sugan.

Turkiga ayaa la ciir-ciiraya illaa 3.5 Million Qof oo Qoxootiga Suuriya ka soo qaxay ah.

Warkan ayaa ku soo beegmaya xilli ay Dalka Turkiga gaadheen Madaxweyne ku-xigeenka Maraykanka iyo Wefti kale oo uu ka mid yahay Xoghayaha Arrimaha dibedda ee Maraykanka.

Turkiga ayaa Jabhadda Kurdiyiinta u aqoonsan Urur Argagixiso.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka