Laba Qof Oo Ku Dhintay Shil Gaadhi Oo Ka Dhacay Duleedka Hargeysa

Hargeysa, (HCTV) – Laba haweena ayaa ku geeriyooday, halka lix kalena ay dhaawacyo ka soo gaadheen kadib markii shalay laba gaadhi ay isku galeen deegaanka Diinqal oo bari ka xiga magaalada Hargeysa.

Lixda qof ee shilkan gaadhi ku dhaawacmay ayaa waxa ku jira laba caruur ah oo mid ka mid ah ay dhashay hooyo ku geeriyootay shilka.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawaca ah ayaa la soo gaadhsiiyey cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, waxaana shilkan Telefishanka HCTV uga waramay Dr Axmed Xasan oo ka mid ah dhakhaatiirta ku hawlan dawaynta dadka ku dhaawacmay shilkan.

“Shilbaa dhacay, waxaanu ka dhacay sida warku nagu soo gaadhay Diinqal, gaadhi Nooho ah ayaa waxa uu galay gaadhi kale isaga oo wadada ka gudbaya. Markaa laba qof way dhinteen afar kalena waa dhaawac, waxa kale oo jira laba caruur ah, oo mid aanu u gudbinay qaybta caruurta oo dhawr bilood jir,” ayuu yidhi Dr Axmed Xasan, waxaanu intaasi ku daray in labada qof ee geeriyooday ay haween yihiin.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.