62 Qof Oo Ku Dhintay Qaraxyo Lala Beegsaday Masaajid

Afghanistaan (HCTV) – Tobanaan Qof ayaa ku dhintay, in ka badan boqolna way ku dhaawacmeen  dhowr Qarax oo ka dhacay Masaajid ku yaalla Gobolka Nangarhar ee bariga Dalka Afghanistan.

Attaullah Khogyani oo ah Afhayeenka Badhasaabka Nangarhar ayaa sheegay in Qaraxyada ka dhacay Masaajidka Jimcihii Maanta ay ku dhinteen ugu yaraan 62 Qof, Qaraxyada ayaa dumiyey qaybo ka mid ah Masaajidka Degmada Haska Mena, xilli lagu jiray tukashada Salaaddii Jimcaha.

Sohrab Qaderi oo ka mid ah Golaha Maamula Nangarhar ayaa isaguna Wakaaladda Wararka ee AFP u sheegay in Dadka Qaraxyadan ku dhaawacmay ay dhan tahay 100 Qof, sidaasi darteedna laga yaabo in tirada dhimashadu inta ay imika tahay ka sii badato.

Ma jirto Cid markiiba sheegatay Masuuliyadda Qaraxyadan is-xig-xigay ee gilgilay Masaajidka lagu tukanayey Salaaddii Jimcaha, Qaraxyadaasi oo uu si adag cambaareeyay Afhayeenka Madaxweynaha Afghanistaan Sediq Sediqqi.

Weerarrada noocan ah ayaa Afghanistan ku soo batay, tan iyo markii uu fashilmay Wada-hadalladii nabadeed ee u socday Daalibaan iyo Maraykanka.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka