Somaliland: Ugaadhsiga Harimo-cadka Oo Meel Sare Maraya Iyo Wararkii U Dambeeyay

Selel (HCTV) – Ciidammada Qaranka Somaliland ayaa Gacanta ku dhigay 9 Harimo-cad oo la doonayey in Dalka dibeddiisa loo dhoofiyo, Afar Qof oo Watay iyo Gaadhigii ay adeegsanayeen.

Sidoo kale, waxa Gobolka Sool lagu soo qabtay laba Harimo-cad oo iyagana la sheegay in la doonayey in dalka dibeddiisa loo dhoofiyo, dhammaana waxay Ciidammada amnigu ku wareejiyeen Wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer Miyiga Somaliland.

9-ka Harimo-cad ayaa waxa Gacanta ku dhigay Ciidammada Qaranka ee fadhisiinkoodu yahay Gobolka Selel.

Wasiirka deegaanka, Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare oo Warbaahinta uga warrantay arrintan ayaa tidhi “Isku-duwaha Wasaaradda ee Sool ayaa doraad noo soo sheegay in Jiidda Saax-dheer lagu hayo 2 Harimo-cad, markaas ayaanu gaadiid u dirnay, Shalay bay soo qaadeen oo ay halkan keeneen (Hargeysa)..”

Wasiirku waxa kale oo ay sheegtay “Haddana waxa la noo soo sheegay in 9 kale la qabtay, kuwaasi oo Dooni ay diyaar u ahayd, lana hayo 9 Harimo-cad, Afar Qof oo ka ganacsanayey, Millateriga Somaliland ayaa soo qabtay..” ayay sheegtay, waxayna intaa ku dartay “Xalay ayay keeneen 9-kii Harimo-cad iyo Maxaabiistiiba.”

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka