Madaxweynaha Guinea Oo Ka Hadlay Wada-hadallada Soomaaliya Iyo Somaliland

Hargeysa(HCTV) – Madaxweynaha dalka Guinea Alpha Conde, ayaa Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geele oo dalkiisa booqanaya wuxuu uga mahadceliyay dedaalo uu sheegay inuu ku dhexdhexaadinayo Somaliland iyo Soomaaliya.

Madaxweyne Alpha Conde, ayaa wuxuu qado sharaf u sameeyay Madaxweyne Geele iyo weftigiisa, waxaanu Madaxweyne Alpha uu khudbaddiisa ugu mahadceliyay Madaxweyne Geele oo uu sheegay inuu dalkaas Guine u maray safar ah 7 saacadood,“Mudane Madaxweyne waxaan kaaga mahadcelinayaa sida wanaagsan eed uga soo jawaabtay martiqaadkii aanu kuu fidinay adigoo soo maray socdaal dheer oo 7 saacadood ah.” Ayuu yidhi Madaxweyne Alpha Conde, wuxuuna intaas ku daray, “Waad ku mahadsantahay dedaalkaaga dhexdhexaadinta ah ee aad ka dhex wado Soomaaliya iyo Somaliland.”

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sannadkan wuxuu booqday dalka Guinea oo ay dawlada Soomaaliya xidhiidhka u jartay ka dib markii ay si diiran u qaabileen, sidoo kalena wuxuu bishii hore booqday dalka Djibouti.

Booqashadii Madaxweyne Biixi ee  dalka Djibouti ayaa keentay warar sheegaya in Madaxweyne Geele doonayo inuu dib u soo celiyo wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya ee istaagay.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele oo isna madashaas ka hadlay ayaa ugu horayn Madaxweyne Guinea uga mahadceliyay soo dhawaynta uu ku qaabilay.

Waxa uu Madaxweyne Geele ku tilmaamay Madaxweynaha Guinea inuu door muhiim ah kaga jirto isu soo dhawaynta dalalka qaaradda Afrika iyo in la gaadho awood buuxda oo uu yeesho ururka Midowga Afrika. Laakiin madaxweyne Geele ma soo hadal qaadin arrinta wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya ee uu madaxweynaha Guinea xusay.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka

Xigasho: Wargeyska Geeska Afrka