IMF Oo Soo Dhaweysay Qorshaha Dib U Habeynta Dhaqaalaha Dowladda Soomaaliya

Muqdisho, (HCTV) –  Soomaaliya ayaa dadaal ballaaran ugu jirta sidii looga dhaafi lahaa ama looga cafin lahaa deynta lagu leeyahay, waxaana maalmihii ugu danbeeyay magaalada Washington ee dalka Mareykanka ka soconaya kulamo arintaa ku saabsan.

Agaasimaha maamulka IMF, Kristalina Georgieva ayaa ka hadashay kulan magaalada Washongton maalintii shalay ay kula yeelatay wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo u horkacyo Ra’iisal Wasaare Xassan Cali Kheyre, waxeyn sheegtay in kulankaasi uu ahaa mid miro dhal ah.

”Waxaan kulan mira dhal ah shalay kula qaatay xarunta dhexe ee IMF  ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre oo aan ugu hambalyeeyay dhaqan  galinta xooggan ee joogtada ah ee uu ku sameeyay qorshaha dib u-habeynta  dhaqaalaha iyadoo ay jireen caqabado badan”ayay tidhi Kristalina.

Warka ka soo baxay hay’adda ayaa lagu sheegay intii uu socday kulanka in  Ra’iisul Wasaaruhu uu ku celiyay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an  tahay dib-u-habeynta iy,adaoo la raacayo barnaamijka SMP ee socda, waxa  uuna sidoo kale adkeeyay dhammeystirka qorshaha qaranka sagaalaad ee  dhawaan golaha wasiirradu ansixiyeen.

Dhameystirka qorshaha horumarinta qaranka iyo dib-u-habeyntu waxaa ay qayb ka yihiin shuruudaha hindisaha wadamada saboolka ah ee aadka u deymeysan (HIPC).

“Joogteynta shaqo wanaagga xooggan oo ay la jirto taageerada saaxiibada caalamiga ah waxa ay waddada u xaareysaa Soomaaliya in deynta laga nadiifiyo mustaqbalka dhaw.

Waxaaan u xaqiijiyay Ra’iisul Wasaaraha in IMF ay si buuxda u taageersan tahay dadaallada Soomaaliya ee deyn cafinta oo ay ka mid tahay in lala shaqeeyo xubinnimada sanduuqa ee lagu sugayo khayraadka maaliyadeed ee muhiimka u ah deyn cafinta IMF iyo daboolidda qarashaadka ku baxaya deyn cafinta”, ayaa sidoo kale lagu sheegay warsaxaafadeedka.

Taageerada IMF ayaa xoojinaya galaangalka dowladda iyo dadaallada lagu doonayo in Feberaayo 2020 dowladda Soomaaliya laga nadiifiyo deymaha lagu leeyahay si ay ugu furmaan albaabbada hey’adaha dhaqaalaha adduunka.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.