EU Iyo Madaxweyne Biixi Oo Ka Wada-hadlay Doorashada Wakiillada Iyo Deegaannada

Hargeysa (HCTV) – Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa Maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirrada Soomaaliya u qaabilsan Midowga Yurub iyo Sweden.

Madaxweynaha iyo Weftiga ka socda Midowga Yurub ayaa waxyaabaha ay ka wada-hadleen waxa ka mid ah Doorashooyinka Wakiillada iyo deegaannada Somaliland.

Sidaana waxa lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada, kaasi oo u qornaa sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta oo ay taariikhdu ahayd 20-10-2019 xafiiskiisa ku qaabilay safiirrrada midawga Yurub iyo Sweden u qaabilsan dalalka Somaliland iyo Soomaaliya, Amb. Nicolás Berlanga Martinez iyo Amb. staffan Tillander.

 Kulanka uu madaxweynuhu la qaatay safiirrada, ayaa lagaga wada hadlay adkaynta iyo dardar-gelinta  xidhiidhka wada-shaqayneed ee midawga Yurub iyo dalka Sweden ay la leeyihiin Jamhuuriyadda Somaliland iyo sidii kor loogu qaadi  la isagana kaashan lahaa arrimaha   mandaqadda Geeska Afrika.

Ugu danbayna waxa kulankaasi lagaga wada hadlay diyaar garowga qabsoomidda doorashooyinka foodda innagu soo haya ee golayaasha wakiillada iyo deegaanka oo ay beesha caalamku danaynayaan inay doorkooda ka qaataan, maadaama ay Somaliland ka taageeraan hannaanka dimuquraaddiyadda iyo doorashooyinka, waxaanay guud ahaan weftigani sheegeen inay diyaar u yihiin Somaliland taageeradeeda.

 

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.