Ujeedada Kulan Ay Yeesheen Maareeyaha Dekedaha Somaliland Iyo Taliyaha Dab-Demisku

Hargeysa, (HCTV) – Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng. Siciid Xasan Cabdilahi, oo shalay Xafiiskiisa ku booqday Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Somaliland Axmed Sawaaxili iyo Agaasimaha Fulinta ayaa kulan ku qaatay Xarunta Dab-demiska.

Kulankan ayay ilo xogogaal ahi ay sheegayaan in labada dhinac ay diirada ku saareen sidii Dab-demis ay yeelaato Dekedda Magaalada Berbera loogu soo iibin lahaa.

Waxaanay sidoo kale Kulankan masuuliyiintu kaga wada hadleen Qorshaha Horumarinta Dab-demiska Dekedda Berbera iyadoo laysla qaatay qodobo muhiim u ah hanaanka horumarineed ee Dab-demiska Dekedda Berbera.

Dekedda Berbera ayaa ah mid ka mida ilaha dhaqaale ee Somaliland taasi oo ay yaalaan hanti farabadan oo u baahan in la sugo badqabtooka lagana hortago khatarta ka iman karta xilli kasta dhinaca dabka.

Dhawaan ayay ahayd markii mid ka mid ah Wiishashka dekeda Berbera uu dab qabsaday, kaas oo khasaare weyni uu ka soo gaadhay dabkaasi.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.