Kulan Hablaha Lagaga Wacyigalinayo Tahriibka Oo Hargeysa Lagu Qabtay

Hargeysa, (HCTV) – Ururka  VOSOMWO ayaa kulan hablaha lagaga wacyigalinayo aafada ay Tahriibtu leedahay waxay ugu qabatay magaalada Hargeysa.

Kulankan oo ay ka soo qaybgaleen hablo iskaga kala yimid xaafadaha magaalada Hargeysa, gaar ahaana Daami, Maxamed Mooge, Istaad House-ka iyo meelo kale oo Caasimada ka mid ah ayaa kulankaasi looga soo jeediyey hadalo dardaaran iyo hoga sutaalayn ah oo ku saabsan aafada iyo dhibaatada Tahriibku leeyahay.

Ugu horayn waxa kulankaasi ka hadashay Hibaaq Axmed oo ah gudoomiyaha ururka haweenka ee VOSOMWO, waxaanay hadalkeeda ku bilawday “Kulankan aynu maanta isugu nimid waxa uu daaran yahay sidii looga wacyigalin lahaa hablaha dhalinyarada ah dhibaatada ay tahriibtu leedahay, kuwii ay ku dhacday sidii talo loo siin lahaa ee maskaxdooda looga maydhi lahaa dhibaatooyinkii ay kala kulmeen tahriibta, gaar ahaan hablaha tacadiyada ka dhanka ah ee marka ay tahriib isku dayaan ama ay tahriibaan hablaha soo gaadha.

Ujeedada labaad ee aynu iskugu nimid waxa weeyi sidii hablan aynu ugu samayn lahayn urur (association) iyaga isku xidha oo xogtooda ay ku kala qaataan, anagana ay nagula soo xidhiidhaan, taas oo iyagii u sahlaysa inay iyaguna wacyigalin sameeyaan oo ay ka wacyigaliyaan xaafadihii ay ka kala yimaadeen, haday tahay Daami B iyo haday tahay Daami A, Istaad House-ka iyo Maxamed Mooge, ay ka wacyigalinayaan dhibaatada ay tahriibtu leedahay hablaha da’da yare e iyaga oo kale ah oo ay u sheegayaan dhibaatada Tahriibtu ay leedahay, iyo inay tahay wax xun oo qofka aan u fiicnayn oo aanu waxba ka faa’iidayn, Markaa ujeedada aynu maanta isugu nimid intaasay tahay.

Waxaan rajaynayaa in habluhuna wax badan ka faa’iidi doonaan oo ay fariintan sii gaadhsiin doonaan Hablo kale oo farabadan, Insha Allaahu,” ayay tidhi Marwo Hibaaq Axmed oo ah gudoomiyaha ururka haweenka ee VOSOMWO.

Sidoo kale waxa isaguna kulankaasi ka hadlay Yuusuf Timacade oo ka socday dalada SIHA Network, waxaanu ugu horayn faahfaahin ka bixiyey daladan SIHA Network iyo waxyaaalaha ay qabato waxaanu yidhi “SIHA Network waa collision ama isbahaysi ka shaqeeya wadamada Geeska Afrika gaar ahaana sideed wadan oo Geeska Afrika ku yaala.

Hawshan aanu la wadno VOSOMWO-na Hargeysa oo kaliya kama socoto ama Somaliland oo kaliya balse waxaad qayb ka tihiin dedaal loogu jiro in lagu caawiyo ama wax loogu qabto hablaha ay waxyeeladu ka soo gaadhay intay tahriibeen oo ay socdaaleen kadibna wadamadii ay tageen waxyeeladu ka soo gaadhay ama jidka intii ay ku sii jireen ay waxyeeladu ka soo gaadhay in lagu waaciyo, waxaanu ka socdaa Somaliland, Ethiopia, Sudan iyo South Sudan, intaas oo wadan ayuu ka socdaa, waana jidka ugu badan ee la maro marka Yurub la tagayo,” ayuu yidhi Yuusuf Timacade oo ka socday dalada SIHA Network.

Waxa isaguna madasha kulankaasi lagaga wacyigalinayey Hablaha dhibaatada tahriibka ka hadlay Siyaasi Galaal, waxaanu yidhi “Aafada Tahriibta waynu wada aragnaa, balse su’aasho waxay tahay, Maxaa hablahan kaxaynaya? Sidaynu ognahay habluhu waxbay barteen, waxay u baahan yihiin in la jiheeyo oo wixii ay barteen inay ku shaqeeyaan ah. Hadii laakiin aanay cidi usoo jeedsanayn, oo aanay cidi daba gaayn, hablo may tahriibeen, awal hadii la arki jiray dhalinyaro wiil ah oo baxa, hada hablaha ayaa tahriiba, anigu waan garanayaa oo dad badan oo tahriibay ayaan ka war hayaa.

Muhiimada koowaad ee aan doonayo inaan halkan ka sheegayaa waxa weeyaan in Dumarka cid kasta laga horaysiiyo oo ahmiyad gaar ah la siiyo sidii loo jihayn lahaa oo laga horaysiiyo ragga,” ayuu yidhi Siyaasi Galaal.

Dhinaca kale waxa isaguna kulankaasi ka hadlay  Axmed Xuquuq oo ka socday ururka la yidhaa Isbahaysiga Ururka Madaxabanaan (ISCO), waxaanu yidhi “Anigu runtii hadal badan odhan maayo, waxaan ka socdaa urur ama Isbahaysi la yidhaa ISCO oo bulshada rayidka ah oo madaxbanaan, arintaasi Tahriibkana hablo iyo inamoba waxaan leeyahay ha laga feejignaado,” ayuu yidhi.

Gabogabadii kulankaasi ayaa waxa ka hadlay Axmed Cige Tiigsi oo ah la taliyaha Gudoomiyaha Barakacayaasha waxaanu yidhi “Tahriibka waxa keena arin la yidhaahdo (Pull and Push) oo macnaheedu yahay maxaa Kiciyey ama Jiitay, markaa in wax laga qabto waxyaalaha kicinaya ee shaqo la’aantu ay ka midka tahay aadbaan ugu faraxsanahay, waxa kale oo aan ku faraxsanahay shaqada aan qabto oo ah ka hortaga aafada Tahriibta,” ayuu yidhi  Axmed Cige Tiigsi oo ah la taliyaha Gudoomiyaha Barakacayaasha.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.