AKHRI: 20 Qof Oo Ku Geeriyooday Bas Siday 100 Qof Oo Qalibmay

DRC (HCTV) – Inta la xaqiijiyey 20 Qof ayaa ku dhintay Shil Baabuur oo ka dhacay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, Axaddii Shalay.

20-ka Qof ayaa geeriyooday, ka dib markii Gaadhi Bas ah oo ay ku safrayeen uu Waddada kala baxay, markii uu Qalibmayna uu dab ka kacay, sida uu ku warramay Wargeyska Daily Nation oo ka soo baxa Dalka Kenya.

“Dhimashadu waa 20 Qof..” ayuu yidhi, ku-xigeenka Maamulaha deegaanka Mbanza-Ngungu oo la hadlay Wakaaladda Wararka ee AFP.

Baska Qalibmay ee dhibaatada badan sababay ayaa siday Dad iyo Alaabooyin uu ka soo qaaday Magaalada Lufu, waxaanu ku soo jeeday Magaalada Kinshasa.

Warku wuxuu intaa ku daray in Sababta Shilka keentay ahayd in Biriigga Gaadhigu uu shaqayn waayay.

Haweenay ka mid ah kuwa dhaawacmay oo la soo xigtay ayaa sheegtay in Basku siday Rakaab ka badan 100 Qof, waxaana jira Dad badan gubtay oo wejigooda la garan waayay.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka