Dibed-baxyo Ka Dhacay Magaalooyinka Kismaayo Iyo Garoowe

Kismaayo (HCTV) – Waxa Magaalooyinka Kismaayo iyo Garoowe ka socda Dibed-bax lagaga soo horjeedo Dil magaalada Kismaayo loogu geystay Xaaji Siciid Ciise Cabdi oo ka mid ahaa Ganacsatada Soomaaliyeed.

Xaaji Siciid Ciise Cabdi (Siciid-Addoon) kana mid ahaa Ganacsatada Magaalada Kismaayo ayaa u dhintay dhaawac ka soo gaadhay toogasho ay u gaysteen kooxo hubaysan oo aan haybtooda la garanayn.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga ee Maamul-gobolleedka Jubbaland Cabdi-nuur Ibraahim Xuseen oo Tacsi u diray Ehelada Marxuumka iyo dadka kale ee Soomaaliyeed, ayaa sheegay inay wadaan baadhitaan ay ku baadi-goobayaan Ganac ku-dhiigleyaasha Marxuumka Dilay.

 Dadka Dibed-baxyada ka wada Magaalooyinka Kismaayo iyo Garoowe ayaa ayaa dalbanaya in Sharciga la horkeeno Cidda geysatay Dilka Marxuumka Ganacsadaha ahaa, inkasta oo aan weli Gacanta lagu dhigin Dadkii dilka geystay isla-markaana lagu daba jiro.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka