Ujeedada Socdaal Madaxweyne Farmaajo Ugu Baxay Dalka Ruushka

Ujeedada Socdaal Madaxweyne Farmaajo Ugu Baxay Dalka Ruushka

Somaliland Oo Sheegtay In La Dilay Taliyihii Watay Ciidamo Puntland Ah Oo Weeraray Gudoomiyaha Badhan
Madaxweynaha Somaliland Oo Qaabiley Aabaha Dhalay Saddexdii Wiil Ee Lagu Dilay Ceeryaan,
Roobab Xoogle Oo Ka Da’ay Mumbai Oo Khasaare Sababay
Kenya Oo Mastafurinaysa Nin Haweenay ku Tilmaamay ‘Daanyeer’
Kashmir: 31 Qof Oo Ku Dhintay Shil Bas

Muqdisho, (HCTV) – Madaxweynaha  Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u amba-baxay dalka Ruushka oo ay kaga qayb galayaan Madasha Iskaashiga Ruushka iyo Afrika.

Shirweynaha oo socon doona muddada u dhexaysa 23-ka ilaa 24-ka bishan ayaa Madaxda dalalka ku bahoobay madashan, Ururka Midowga Afrika, maalgashadeyaasha iyo khubarradu waxaa ay kaga arrinsan doonaan mustaqbalka xiriirka labada dhinac, dagaalka ka dhanka ah argagixisada, kor u qaadista iskaashiga dhinacyada amniga, socdaalka, dhisidda kaabeyaasha dhaqaalaha iyo yareynta saboolnimada.

Wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaminayo Madaxweynuhu ayaa inta ay ku sugan yihiin magaalada Sochi ee marti-gelinaysa shirarka Madasha waxa ay kulan doceedyo la yeelan doonaan madaxda kasoo qeyb galaysa madashan.

Shirkan waxaa ka soo qayb-galaya hoggaamiyeyaasha dalalka Afrika iyo Ruushka, dhaqaaleyahanno calami ah, Shirkado waaweyn oo dhanka maalgashiga ah iyo Golaha Guud ee Ururka Midowga Afrika, waxa uuna dalkeenna u yahay fursad aynu ku sii ambe-qaadno qorsheyaasha dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha iyo soo bandhigidda fursadaha maalgashi ee ka jirta dalka.

Wafdiga Madaxweynaha ee Soomaaliya ku matalaya shirkan waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Gaashaandhigga Xasan Cali Maxamed (Amar Dambe) iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade).

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.

COMMENTS

%d bloggers like this: