Abaar Halis Galisay Nolosha Dadka Iyo Duurjoogta Dalka Zimbabwe

Harare, (HCTV) – Ugu yaraan 55 Maroodi ayaa macaluul ugu dhintay beerta xayawaanka ee Zimbabwe’s Hwange National Park, labadii bilood ee la soo dhaafay oo ay sababtay abaar dalkaasi ka jirta.

Sidoo kale saddex meeloodow meel dadka ku dhaqan dalkaasi ayaa u baahan Raashin gargaarka xili dalkaasi ay ka jirto dhibaato dhinaca dhaqaalaha ah oo daran.

Bishii August, Barnaamijka Cuntada Aduunka (World Food Programme) ayaa ku waramay in laba million oo qof ay khatar macaluul ah ugu jiraan dalkaasi.

Maroodiyada qaar ayaa laga helay meel biyood u jirta 50 meters oo dhul ah oo ay doonayeen inay u socdaalaan ka hor intii aanay dhiman iyagoo aan gaadhin meel biyoodkaasi.

Beertan ayaa la sheegay inay ku ku noolyihiin in ka badan 50,000 Maroodi.

Waxaana Maydkooda lagu arkay godad waraab ah oo madhan – ugu yaraan 55 maroodi oo dhintay labadii bilood ee la soo dhaafay oo keliya, dhibbanayaashii abaarta ba’an ee hadda halis gelineysa nolosha dadka iyo duurjoogta.

Beeraha weyn ee Hangge National Park ee dalka Zimbabwe dhibaatadu maahan roob la’aan, laakiin waa maroodiyaal aad u tiro badan.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.