Somaliland: Xannuunka KUUDUDIYAHA Oo Ka Dillaacay Magaalada Caynabo (Akhri)

Caynaba (HCTV) – Xannuunka loo yaqaano ‘Kuududiyaha’ oo dhawaan ka dillaacay Magaalada Burco ayaa u gudbay isla-markaana ka dillaacay Magaalada Caynaba ee xarunta Gobolka Saraar ee Somaliland.

Dr. Cali Cabdi Maxamed, Agaasimaha Cisbitaalka guud ee Magaalada Caynaba ayaa xaqiijiyey in Xanuunkani uu Dad badan ku soo ritay Magaalada Burco, qaarkoodna ay Cisbitaalka u jiifaan Xanuunkaasi.

Agaasimaha cisbitaalka Caynabo oo Maanta u warramay Telefiishanka HCTV ayaa isagoo Arrimahaa ka hadlaya yidhi “Xanuunka Kuududiyuhu wuxuu ku soo horreeyay Gobolka Togdheer, waxa jira Dad badan oo Caynabo ugu soo dhacay, sidaasi darted waxaan Dadka u sheegayaa inaan Xanuunkan waxba lagaga qaban karin Daawo dhaqameedka, sidaasi darteed ay Dadku u eertaan Cisbitaallada, waxaanan Caddaynayaa in Xanuunkani ku faafayo isku socodka Dadka, Caynabana ay Dad badan u jiifaan..”

Xanuunkan ayaa dhakhaatiirtu sheegaan inay sababto Kaneecado, wuxuuna Dadka kaga dhacaa Xaglaha ama laabatooyinka jidhka, taasi oo keenaysa in Qofku jiifka ka kici waayo.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka