Wefdigii Uu Hoggaaminayey Madaxweyne Farmaajo Oo Gaadhay Dalka Ruushka

Sochi, (HCTV) – Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayey ayaa gaadhay magaalada Sochi ee dalka Ruushka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa intii uu halkaasi ku sugnaa kulano la yeeshay Masuuliyiin ka tirsan dawlada Ruushka, waxaana la filayaa in Madaxweynuhu maalinta barito ah ka qaybgalo Shirka Madasha Dhaqaalaha Ruushka iyo Afrika oo ka furmaya dalkaasi Ruushka.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.