Safiirka Somalia Ee Kenya Oo Beeniyey Hadalkii Ka Soo Yeedhay Safiirka Maraykanka Ee Kenya

Nairobi, (HCTV) – Dowladda Soomaaliya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamtay hadalkii safiirka Mareykanka ee Kenya Kayle McCarter oo sheegay in uu la kulmay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kalana hadlay arinta muranka Badda

Safiirka Soomaaliya Soomaaliya ee Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan  ayaa sheegay in uu jiro safarka safiirka Mareykanka ee Kenya uu ku tagay Muqdisho, balse waxaa uu meesha ka saaray in marnaba uu kulan dhaxmaray isaga iyo madaxweyne Farmaajo.

“Ummadda Soomaaliyeed waxaan wargalinaynaa in uusan dhicin  kulan dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Safiirka Mareykanka ee Kenya  xilligii uu booqashada ku yimid Muqdisho oo ahayd dhawr bilood kahor  ayuu yidhi” ayuu ku yidhi Tarsan qoraal uu soo dhiggay boggiisa Facebook.

Dhinaca kale safiirka ayaa ugu baaqay warbaahinta guud ahaan gaar ahaan Wargeyska The Daily Naiton in u uiska hubiyo wararka noocaas oo kale ah.

Warbixinta uu daabacay Wargeyska Dailynation ayaa waxaa uu  kusoo aadaya xilli laba jeer ay Maxkamadda cadaallada Aduunka ee ICJ ay  dib u dhigtay dacwadda Badda ee u dhaxeeysa Soomaaliya iyo Kenya.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.